Dumarka Sacuudiga Oo La Siiyay Xorriyad Aanay Weligood Helin, Balse Lagu Xidhay Shuruudo Dunida Ka Yaabiyay

Dumarka Sacuudiga Oo La Siiyay Xorriyad Aanay Weligood Helin, Balse Lagu Xidhay Shuruudo Dunida Ka Yaabiyay

Haweenka dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa weligood ahaa kuwo ay ka mamnuuc tahay in ay gaawaadhidooda shaqsiga ah kaxeysan karaan iyagoo darawal ah. Qaanuunka dalka Sacuudiga u yaalla ayaa xarrimay in ruux haweeneey ahi Gaadhiga shukaantiisa qaban karto, taasoo sababi jirtay in ay haweenka Sacuudigu kireystaan rag ajaanib ah oo darawalo u noqda, gaadhigana ku geeya meel walboo ay u baahdaan amaba ay marwalba ku tiirsanaadaan nin ka mid ah qoyska oo darawal u noqda xilligay u baahdaan. Si kastaba, cadaadis badan oo dalalka reer galbeedka iyo hay’adaha caalamiga ahi saareen boqorka Sacuudiga iyo hab maamulkiisa ayaa kallifey in qaanuunka haweenka ka mamnuucaya wedista gawaadhida iminka wax laga bedelo. Isbeddelkan ayaa dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana la ogolaaday in haweenka ka weyn da’da 30 jirka ay si kaligood ah gaadhi dhex wadan karaan magaalada, balse shuruudo adag la raacinayo, kuwaasoo ay lama huraaan tahay in haweenku ilaaliyaan. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka dhawaajisay in haweeneyda gaadhiga wadeysa laga doonayo in ay 30 sano ka weyn tahay, is qurxin karin xilliga ay gaadhi wadayso, magaalada banaankeeda ay qasab tahay in nin muxrim u ah uu la socdo, haddii gaadhigu ka cilladoobana ay gayso xarun dumarka u gaar ah oo haween ay ka shaqeeyaan.


thumbnail Title: Dumarka Sacuudiga Oo La Siiyay Xorriyad Aanay Weligood Helin, Balse Lagu Xidhay Shuruudo Dunida Ka Yaabiyay
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-09T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dumarka Sacuudiga Oo La Siiyay Xorriyad Aanay Weligood Helin, Balse Lagu Xidhay Shuruudo Dunida Ka Yaabiyay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 09, 2016 and have 0 comments