Faah Faahin: Maamulka Jowhar oo Xabsiga dhigay Wariye C/raxmaan Maxamed Cali “Black”

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta ay cidamada maamulka gobolkaas xabsiga dhigeen wariye C/raxmaan Maxamed Cali “Black”.

Wariyahan ayaa ka shaqeynayay Tv-ga Somnews oo ku hadla Afka Soomaaliga oo Xaruntiisa ay ku taallo Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta ka danbeysa in la xiro Wariye Black maamulka dowlada Soomaaliya ee Jowhar-na wali wax war ah kama aysan soo saarin.

Xariga wariyaha ayaa kusoo aadaya xili siyaasad kacsan ay ka jirto magaalada Jowhar oo uu ka furmay shirweynaha maamul usameynta gobollada Hiraan iyo Sh/Dhexe.