Hooyo Soomaali Candian ah Oo gaalada ka qaateen caruurteeda -Daawo

Hooyo Soomaali Candian ah Oo gaalada ka qaateen caruurteeda -Daawo

Hooyo Somali-Canadian ah ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday murugo iyo wel wel baaxad weyn ka dib markii caruurteeda laga qaatey oo la siiyey si ay u korsadaan qoys gaalo ah. 


Hooyadaan Soomaaliyeed oo aan magaceeda la shaacin laakiinse ku nool magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay in laba caruur ah oo ay habar yar u tahay oo la siiyey si ay u korsadaan oo ay u barbaariyaan qoys gaalo ah ay ka muujisay wel wel iyo walaac baaxad weyn iyadoona ay hooyadaas codsatey in caruurtaas lagu soo wareejiyo masuuliyadooda si ay ayadu ay u koriso.

Hooyadaan ayaa waxay ku tilmaantey wax laga xumaado in caruur Soomaaliyeed loo dhiibo si ay u koriyaan dad gaalo ah oo aysan isku dhaqan iyo diin midna aysan ahayn arintaas oo ayna ku tilmaamntey inay sababi karto inuu ilmahaas Soomaaliyeed uu ku dhaco dhaqan doorsoon islamarkaana ay meesha ka baxdo diintooda iyo dhaqankoodaba.


HALKAN KA DAAWO VIDEO


thumbnail Title: Hooyo Soomaali Candian ah Oo gaalada ka qaateen caruurteeda -Daawo
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-16T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Hooyo Soomaali Candian ah Oo gaalada ka qaateen caruurteeda -Daawo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 16, 2016 and have 0 comments