IRAN OO SHEEGTAY IN LA DUQEEYAY SAFAARADEEDA MAGAALADA SANCA EE DALKA YEMEN

IRAN OO SHEEGTAY IN LA DUQEEYAY SAFAARADEEDA MAGAALADA SANCA EE DALKA YEMEN

Dowladda Iran, ayaa waxay sheegtay in waxyeelo loo gaystay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Sanca ee Xarunta Wadanka Yemen, saacadihii ugu dambeeyay.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, ayaa waxaa lagu sheegay in firir gantaal uu ku dhacay gidaarka dhismaha Safaaradda, waxyeelana ay ka soo gaartay afar ka mid ah xubnaha ka hawlgala.

Iran waxay sheegtay in duqayntaasi ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in duqayn culus ay ka dhacday aagga Safaaradda, balse aanay jirin waxyeelo muuqata oo duqayntaasi ka soo gaartay dhismaha Safaaradda.

Bayaankan oo laga akhriyay Telefishinka Qaranka Iran, ayaa waxaa lagu sheegay in Iran ay diyaarin doonto dacwad ka dhan ah Sacuudiga, si ay ugu gudbiso Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira Maleeshiyada Shiicada Yemen (Xuuthiyiinta), ayaa sheegay inay xaqiijinayaan cabashada Iran.


thumbnail Title: IRAN OO SHEEGTAY IN LA DUQEEYAY SAFAARADEEDA MAGAALADA SANCA EE DALKA YEMEN
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-09T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
IRAN OO SHEEGTAY IN LA DUQEEYAY SAFAARADEEDA MAGAALADA SANCA EE DALKA YEMEN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 09, 2016 and have 0 comments