IRAN OO SII DAYSAY 10 ASKARI OO DALKA MAREYKANKA U DHASHAY (SAWIRRO)

Dowladda Iran, ayaa waxay maanta sii daysay 10 ka mid ah Ciidamada Badda Mareykanka, ka dib markii Talaadadii shalay gacanta lagu dhigay, iyagoo gudaha u soo galay Badda Iran.

Mareykanka, ayaa sheegay in ciidanka oo tababar ku guda jiray in uu ka ciladoobay mid ka mid ah laba doomood oo ay la socdeen, sidaana ay gacanta ugu dhigeen Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa waxaa uu Iran kaga mahadceliyay sida deg degta ah, ee ay ku sii daayeen Ciidamada Badda Mareykanka.

John Kerry, ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Iran, sida wanaagsan ay noola shaqeysay iyo jawaabta deg degga ah ay ka bixisay. Waxaan si niyadsan u bogaadinayaa jawaabta deg degga ah ay Iran.”

“Waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ay Iran u qaabishay dadkeena, mudadii ay gacanta ku haysay. Waxay siisay bustayaal iyo cuntaba.”

General Ali Fadavi, Taliyaha Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa sheegay in tallaabada Ciidamada Badda Mareykanka lagu sii daayay, ay ka dambeysay markii Mareykanka uu raaligelin ka bixiyay.