Israel: Xaaska Netanyahu oo lagu eedeeyey Musuq Maasuq dhaqaalaha dowlada

Israel: Xaaska Netanyahu oo lagu eedeeyey Musuq Maasuq dhaqaalaha dowlada

Xaaska Hogaamiyaha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa booliiska su’aalo weydiiyeen kadib markii lagu soo eedeeyey ku takri-falka dhaqaalaha dowlada.

Sara Netanyahu ayaa loo heystaa inay dhaqaalaha maamulka Isra’iil u adeegsatay qalabeynta iyo dayac-tirka guriga khaaska ah ee Raysalwasaaraha Isra’iil iyo xaaskiisa ku leeyihiin magaalada xeebta saaran ee Caesarea.

Xaaska Netanyahu ayaa sidoo kale loo heystaa in dhaqaalaha dowlada ay siin jirtay aabaheed oo degen magaalada Jerusalem (Qudus).

Baaritaankan cusub ee uu wado Qeybta la dagaalanka Musuq Maasuqa ee Booliiska Isra’iil ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan maxkamada Isra’iil ay xabsi ku xukuntay Raysalwasaarihii                     hore ee Isra’iil Ehud Olmert oo lagu helay falal musuq maasuq.


thumbnail Title: Israel: Xaaska Netanyahu oo lagu eedeeyey Musuq Maasuq dhaqaalaha dowlada
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-02T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Israel: Xaaska Netanyahu oo lagu eedeeyey Musuq Maasuq dhaqaalaha dowlada



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 02, 2016 and have 0 comments