KENYA: Lama faafin karo sawirada Jabka askarta Kenya gaaray

KENYA: Lama faafin karo sawirada Jabka askarta Kenya gaaray

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery ayaa ka digay faafinta sawirrada muujinaya meydka askarta dalkaas u dhalatay ee lagu dilay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ay dambi tahay in muuqaallada lagu baahiyo bogagga bulshada,taasoo uu xusay in ay dhiirrigelineyso falalka argagixisanimada.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mombasa ayuu ku sheegay in uu faray taliyaha booliiska in la qabto oo la xiray shakhsiyaadka faafinaya muuqaallada meydka askarta, isagoo intaas ku daray in kuwa sidaa yeelaya ay iska dhegaha ka fureysteen digniinno horay loo bixiyey oo arrintan la xiriirta.

Kenya ayaa xaqiijisay in tiro aysan cayimin oo askarteeda ah lagu dilay weerarka ka dhacay Ceel-cadde Jimcihii, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay in inka badan 60 ay dishay.

Dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyey weerarka oo lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.


thumbnail Title: KENYA: Lama faafin karo sawirada Jabka askarta Kenya gaaray
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-19T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
KENYA: Lama faafin karo sawirada Jabka askarta Kenya gaaray



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 19, 2016 and have 0 comments