KENYA OO MAR KALE SOO BANDHIGTAY SAWIRADA IYO MAGACYADA 11 RUUX OO KENYA LAGA RAADINAAYO

Dowladda Kenya, ayaa markale soo bandhigtay Sawirada iyo Magacyada 11 ruux oo Kenya ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada.

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya ayaa baahisay Sawirada iyo magacyada Shaqsiyaadkaan, kuwaasi oo noqday kuwa Kenya gudaheeda loogu doon doonista badan yahay.

Dadkaan Kenya ay baahisay Sawiradooda iyo Magacyadooda ayaa waxa ay kala yihiin.

Abdalla Muumin Abdalla, Abdalla Siraj Marumu, Abdifatar Abubakar Abdi, Isaa Abdalla Ahmed , Anwar Yogan Mok, Suleiman Muhamed, Hussein Said, Mohamed Ali Ahmed, Omar Patroba Juma, Abdikadir Abubakar iyo Ismael Mohamed Shosi. 

Waxaa loogu baaqay Bulshada cid waliba oo gacan ka geysan karta soo qabashada xubnahan in gacan ay ka geystaan si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Dadkaan ayaa noqonaya kuwa dalka Kenya gudahooda loogu doon doonista badan yahay ee xiriirka la leh Ururka Shabaab.