KENYA OO SHEEGTAY IN ARGAGAXISO LOO AQOONSAN DOONO, CIDII LAGU ARKAA SAWIRADA ASKARTII LAGU LAAYAY CEELCADDE

KENYA OO SHEEGTAY IN ARGAGAXISO LOO AQOONSAN DOONO, CIDII LAGU ARKAA SAWIRADA ASKARTII LAGU LAAYAY CEELCADDE

Dowladda Kenya, ayaa waxay daboolka ka qaaday inaanan barraha bulshada loo adeegsan karin sawirada Ciidamadii Militariga Kenya, ee Jimcihii lagu laayay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Joseph Nkaissery, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa wuxuu maanta shacabka Kenya uu kaga digay in lagu arko, iyagoo haysta amaba barraha Internet-yada u adeegsanaaya sawirada askartaasi.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mombasa, ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in argagaxiso kalkaal loo aqoonsan doono, cidii lagu arkaa sawiradaasi.

Wasiirka, ayaa wuxuu tacsi uu u diray qoysaska iyo asxaabtii askartii lagu laayay, laguna dhaawacay Degmada Ceelwaaq, inkastoo ay jiraan tiro askar ihi oo weerarkaasi lagu la’yahay.

Ciidanka Booliska iyo Militariga Kenya, ayaa waxaa maanta la geliyay xaalad feejignaan ah, iyadoo laga cabsi qabo weeraro argagaxiso oo ka dhaca dalkaasi.



thumbnail Title: KENYA OO SHEEGTAY IN ARGAGAXISO LOO AQOONSAN DOONO, CIDII LAGU ARKAA SAWIRADA ASKARTII LAGU LAAYAY CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-16T21:26:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
KENYA OO SHEEGTAY IN ARGAGAXISO LOO AQOONSAN DOONO, CIDII LAGU ARKAA SAWIRADA ASKARTII LAGU LAAYAY CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 16, 2016 and have 0 comments