Ku Tababar Ilmahaaga Hababka Ugu Habboon Ee Loo Qariyo Sirta Qoyska Iyo Anshaxa Suubban

Sirta oo la ilaaliyaa waa astaan ka mid ah astaamaha wanaagsan ee loo baahanyahay in aynu caruurteena ku tababaro. Wax kasta oo aad maqasho oo aad is dhaafiso oo aad dadka kale u gudbisaa waa hab-dhaqan aan wanaagsanayn diinta islaamkuna reebtay. Caruurta oo lagu tababaro in aanay wax kasta oo ay maqlaan gudbinin waa arrin muhiim ah oo waalidiinta looga baahanyahay. Hooyo iyo aabo, ilmahaaga intee in le’eg ayaad ku tababartaa in uu yeesho sir iyo wax qarin. Mise waxa aad u sheegtaa in aanu waxba qarin ee uu wax kasta oo uu maqlo ama arko sheego. Inta badan waxa la ogaaday in caruurtu aanay si ujeedo leh u faafin sirta balse ay taasi ku timaado sababo kala duwan. Waxa ugu muhiimsan ee ilmaha marka uu yaryahay ku khasba in uu sirta faafiyaa waa isaga oo dareema in uu yahay mid dadka ka hooseeya oo la yaraysto, waxa kale oo ku kalifaa waa isaga oo is muujinaya oo doonaya in uu saamayn hadal ku yeesho qoyska dhexdiisa. U sheeg ilmaha in ay tahay arrin ceeb ah in qofku wax kasta oo uu maqlo gudbiyo.
Kula dardaaran in ay tahay wax ceeb ah in dadka waaweyn uu uga warramo wax kasta oo uu maqlo ama arko. Haa, waxyaabaha qaarkood waa loo baahanyahay in ilmaha yari ka sheekeeyo oo lama odhan karo yaanu waxba ka hadlin balse waxa laga hadlayaa waa arrimaha u baahan in aan la sheeg sheegin dadkuna dhibsadaan maqalkooda. Si dagan ugu sheeg arrimaha gaarka u ah gurigooda ee aan u baahnayn in uu cid walba kala hadlo. Bar ilmaha in waxyaabaha qaarkood u baahanyihiin in ay isaga iyo waalidkiisu ka wada hadlaan marka dadka kale aanay goobta joogin. Uga sheekee in aanu marka dadka kale joogaan wax walba ka waramin. Waalidka waxa looga baahanyahay in arrintan aanay u marin hab cunfi iyo dagaal ah iyaga oo isku dayaya in ay ilmahooda ka joojiyaan hadiiba uu dabeecadahan leeyahay. Canaanta badani waxa ay ilmaha gayaysiisaa dareen aad u xun iyo cuqdad nafsaani ah, looma baahna in aad canaanato oo aad mar walba ku dagaasho, maxaad waxaa u sheegtay, u faafisay ama uga hadashay. Hooyo iyo aabo, ilamaha ku abuura akhlaaq wanaagsan iyo deganaansho dabeecadeed, hana isku arko ilaa inta aad tix galin siinaysaan. Ku barbaari baahida loo qabo in uu dadka jeclaado, kana dheeraado beenta, faafinta sirta, iyo qaylada badan. Dadka hortooda ilmaha haku canaanan, hana ku dagaalin, taasi waxa ay wax weyn u dhintaa dareenkiisa caadifadeed. Hadii ay jiraan caruur jaarkiina ah oo inta badan ku tilmaaman in ay ka sheekeeyaan arrimaha qoysaskooda ku dadaal in aad ka ag dheerayso oo aanu la wakhti qaadan. Waxa xusid mudan in aanay qoysaska Soomaalidu arrimahan aan kor ku soo sheegnay muhiimad gaar ah siinin, taasi waxa ay u baahantahay in aynu wax ka badalo. ilmaha sida aad ugu dadaasho wixii uu xidhan lahaa iyo wixii uu cuni lahaa ayaa loo baahanyahay in aad dadaalkaaga oo dhan isugu gayso sidii uu tarbiyad wanaagsan iyo hab-dhaqan la mahadiay dadka dhexdiisa ugu yeelan lahaa. Aan dhammaanteen ubadkeena ku barbaarino dariiqa wanaagsan ee nolosha kuna guubaabino in ay noqdaan kuwo dhaqan wacan.