Madasha wadatashiga qaran Saameeyn ayay ku yeelan kartaa Musharaxnimada Madaxweyne Xasan

Madasha wadatashiga qaran Saameeyn ayay ku yeelan kartaa Musharaxnimada Madaxweyne Xasan

Iyadoo magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubbada hoose uu ka furmay shirka madasha wada tashiga qaran  oo ay ku suganyihiin dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaliya ayaa Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ka faalooda arrimaha siyaasada Soomaaliya waxa uu sheegayaa in ay adag tahay in si sahlan  oo ay Madaxda muwaafaqo kuwada yihiin uu ka soo bixi karo shirkaasi .

Waxa uuna u sababeeynayaa  dhowr arimood oo ay ugu horeeyso Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaliya oo uu kol hore  sheegay.



wuxuuna sheegay  Diblamaasigan in shaacintaas ay waqtiga sii dheereyn karto  maadama buu yiri Madaxweynaha lagula dagaalamayo awoodiisa  taas oo cabsi badan galineysa siyaasiyiinta kale ee xil doonka ah iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo iyagu doonaya  in ay ka muuqdaan oo ay door ku lahaadaan  awooda Dalka .



Wuxuuna tilmaamay Siyaasiga Caalin in ay u badan tahay shirka Kismaayo mid  go,aankiisa dib leysugu soo noqon doono maadaama Muwaafaqta iyo go,aamada  ay kala fogyihiin waxayna tahay caqabada ugu weyn  laba qodob oo kala ah :- habka awood qeybsiga Beelaha iyo hab Deegaan  in wax lagu qeybsado taas oo ay Madaxda isku maan dhaafsan yihiin .


thumbnail Title: Madasha wadatashiga qaran Saameeyn ayay ku yeelan kartaa Musharaxnimada Madaxweyne Xasan
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-14T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madasha wadatashiga qaran Saameeyn ayay ku yeelan kartaa Musharaxnimada Madaxweyne Xasan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 14, 2016 and have 0 comments