Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tegey Cadaado

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tegey Cadaado

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee degmada Cadaado gobolka Galguduud oo hadda xarun kumeel-gaar ah u ah maamulka Galmudug.

Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Galmudug oo uu u horeeyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Waa markii u horeysey ee Axmed Madoobe booqdo Cadaado.

Heshiiskii Gaalkacyo bishii Diseember ayaa Madaxweynaha Galmudug casumaad furan u fidiyey, waxaana uu ballan qaadey in uu imaanayo Cadaado.

Lama sheegin wax ay ka wada hadlayaan labada dhinac, waxaana Axmed Madoobe safarkiisu ku wajahan yahay magaalada Bosaso halkaas oo uu kaga qaybgeli doono furitaanka Garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Maamulka Jubaland ayaa marti gelinaya shirka lagu go’aaminayo geeddi socodka doorashada Soomaaliya ee s anadkan 2016.


thumbnail Title: Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tegey Cadaado
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-07T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tegey Cadaado



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 07, 2016 and have 0 comments