Madaxweynaha oo difaacey go’aankii ay ka qaateen dalka IRAN

Madaxweynaha oo difaacey go’aankii ay ka qaateen dalka IRAN

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha kula jirtey, sababtaasi awgeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka ugu jartey.

“Xukuumadda Iiraan oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay dooneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka. Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xiriira, ayaan goosaney inaan xiriirka u jarno si aan ugu turno dalka iyo shacabka u ooman nabadda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka  sheegaya in sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartey Iraan ay la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.

“Wararka ku saabsan inaan taageerada Sacuudiga awgeed xiriirka ugu jarney Iiraan sax ma ahan. Muddo ayaan si hoose dabagal ugu hayney dhaqdhaqaaqa saraakiil reer Iiraan ah oo mad-habta Shiicada ku faafinayey Soomaaliya. Saraakiishaasi waxay horey uga soo hawlgaleen dalal kale oo hawlo noocaani ah ay ka soo qabteen. Haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Ilaahay mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena’’.

Hay’adda nabad sigudda ee NISA ayaa soo bandhigtey laba nin Baasabarooadod, dhamaadkii bishii hore kuwaas oo ay sheegeen in ay Mad-habta Shiicada ku faafinayeen Muqdisho, Gobolada Dhexe iyo Qardho. maamulka Qardho iyo Waxgaradku waxay NISA ka dalbadeen faah-faahin arrintaas ku saabsan, maadaama aysan ogeyn horeyna u dhicin in hay’ado IRAN halkaas ka hawlgalaan.

Maalintii Khamiista ayaa war murtiyeed ka soo baxay shirkii Xukuumadda Federaalka lagu sheegay in si rasmi ah loo jarey cilaaqaadkii IRAN, waxaana diblomaasiyiinta IRAN loo qabtey saddex maalmood in ay Soomaaliya uga baxaan oo maanta ku eg.

Si kastaba Cilaaqaadka Soomaaliya u jartey IRAN ayaa ku soo beegmaya xilli Sucuudigu IRAN u jarey dhamaan cilaaqaadkii Diblomaasiyadeed iyo kii dhaqaale, waxaana ku garab istaagey dalal kale oo carbeed oo ay ka mid yihiin Sudaan iyo Baxreyn.

Dhanka hoose uga dhiibo aragtidaada adiga oo isticmaalaya Facebook


thumbnail Title: Madaxweynaha oo difaacey go’aankii ay ka qaateen dalka IRAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-11T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweynaha oo difaacey go’aankii ay ka qaateen dalka IRAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 11, 2016 and have 0 comments