Magaca Soomaliya oo Lagu Arkay Shir Caalami Ah oo ka dhacay Swizarland

Magaca Soomaliya oo Lagu Arkay Shir Caalami Ah oo ka dhacay Swizarland

Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa dalka Switzerland  uga qeyb galay seminaar ay ka qeb galeen 34 dal, kaasi oo ka dhacay xarunta IOC, magaalada Laussane.

Seminarka  oo ku saabsanaa suuqgeynta Olympic-ada waxaa diyaariyey qeybta u qaabilsan IOC da oo lagu magacaabo IOC Television and Marketing Services TMS , wuxuu socday 26 – 27 January,

Xoghayah GOS  Duraan  Axmed Faarax oo ka warbixyay  ujeedka Seminaarka ayaa sheegay in seminaarkan uu ahaa  kii 5aad oo lux seminar oo IOC- da ugu tala gashay iney ka faaideystaan waddamada xubnaha ka ah,  Waxaa midkaan joogay 34 waddan oo ka socda 5ta qaaradood.


Xoghayaha ayaa intaa kudaray in seminaarkan xoogga lagu saaray  sida looga faa’iideysan karo haysashada astaanta Olombikada ( Olympic  brand ) oo ah astaanta ugu caansan dunida, baaritaan  la sameeyey na 98% lagu sheegay  iney garanaayaan astaanta olympic ada   sidaa awgeedna ay muhiim tahay in ay wadamadu ka faaideystaan.

Suuqgeynat waa  nidaam   hay’adaha ,  Xiriirada , Kooxaha iyo Ururada isboortiga  aad muhiim ugu ah taasoo haddii ay waqti iyo qorshe wanaagsan geliyaan  ay ku helikaraan   dhaqaalo uu isboortiga ku horumari karo waana  sababta ay  Gos  Seminaarkan  muhiimada gaarka  u siisay xilli  dalal badan oo caalamka ay ka baaqsadeenka qayb galkiisa.