Maxaa Sabab u ah Fashilka & Dib u dhaca Shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe

Maxaa Sabab u ah Fashilka & Dib u dhaca Shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Goodir, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay waxyaabaha keenay in dib u dhac balaaran uu ku yimaado shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Goodir, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay sabab u tahay in beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe isaga baxaan magaalada Jowhar, ayna ka caroodaan qaabka loogu qeybiyay ergooyinka soo xulaya xubnaha baarlamaanka maaamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay u dirtay shirka iyo socod siintiisa, shaqsiyaad ka tirsan dowlada Soomaaliya oo aan aqoon buuxda ka heysan dhismaha maamul goboleedyada , sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney faraha kala baxdo dhismaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayna shirkaasi ku wareejiso odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada labada gobol, taasi oo fursad u noqoneyso shacabka deegaanadaasi.


thumbnail Title: Maxaa Sabab u ah Fashilka & Dib u dhaca Shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-27T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxaa Sabab u ah Fashilka & Dib u dhaca Shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 27, 2016 and have 0 comments