Messi oo markii 5-aad ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or: Sawirro

Laacibka kooxda Barcelona iyo xulka Arjantina Lionel Messi ayaa markii shanaad oo xiriir ah ku guuleystay abaal marinta FIFA ee Ballons d’Or, isagoo dhigay taariikh cusub oo ku guuleysiga abaal marinta kubbada cagta ugu qaalisan ee FIFA bixiso.

Xiddigaan oo afar jeer oo xiriir ah horay ugu guuleystay abaal marinta FIFA Ballons d’Or ayaa markiisii shanaad hantiyay abaal marinta shaqsiga, kadib markii uu  soo qaatay sanad cajiib ah oo uu kooxda Barcelona ka soo caawiyay saddexdii koob ee ay xili ciyaareedkii hore u tartamaysay iyo waliba laba koob oo ay xili ciyaareedkan ku gulaysatay.

Lionel Messi ayaa taariikh cusub ku dhigay ku guulaysiga abaal marinta kubbada cagta ugu qaaligasan ee FIFA Ballon d’Or-ka ee xidiga aduunka ugu fiican, waana markii shanaad ee uu Messi  ku guulaystay abaal marinta FIFA Ballon d’Or 2015 isaga oo abaal marintan ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Neymar JR oo la tartamayay.