Meydka Nin Cirka ka soo dhacay Oo laga helay Wadan Muslimiin dagaan-Muuqaal

Meydka Nin Cirka ka soo dhacay Oo laga helay Wadan Muslimiin dagaan-Muuqaal

Saraakiisha Dalka Sacuudiga ayaa la sheegayaa in weli ay baaritaano adag ku hayaan Meyd la sheegay inuu ka soo dhacay Samada.

Meydka ayaa la sheegayaa inuu soo dhacay xili Salaad subax aheyd, iyadoona uu kusoo dhacay Magaalada Jeddah ee waddanka Sucuudiga, gaar ahaan Waddada Tadaamun Al-Carabi ee Suuqa lagu Magacaabo Muajmac Al-Sharq, sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi oo weli wada falanqeynta dhacdadaasi, ayaa waxa ay baahisay in soo dhicitaanka Meydkaasi uu Khilaaf ka dhex abuuray Laamaha Amaanka dalkaasi, kadib markii uu ka dhashay muran ku saabsan in Meydkaasi uu kasoo dhacay Diyaarad kasoo kictamtay garoonka lagu magacaabo Jeezaani oo ku yaalla mid kamid ah Gobolada Sacuudiga, halka qaarna ay sheegen in laga soo tuuray Dabaq dheer oo halkaasi ku yiilay.

Saraakiisha amaanka iyo kuwa duulimaadyada ayaa ku doodaaya in Shaqsigaasi uu soo qabsadey Sheega ama lugta Dayuurada, halkaana uu ku Xannibmey, kolkii Dayaaradii kor mareysey Suuq Mujamac Al-Sharq ama Waddada Tadaamun Al-Arabi Xaafadda Casiisiya ay u diyaar garoobeysey inay degto ama fadhiisato, waxayna furatey Sheegagii, waxaana la sheegay in Maydku halkaasi ka soo dhacay.

Dhanka kale, Arrintaani oo muddo dheer soo soctay ayaa waxaa maalinimadii shalay loo xiray Saraakiil ka howlgasha qeybta duulimaadka ee dalka Sacuudiga, kuwaasi oo baaritaano dheer kadib lagu xaqiijiyay in ruuxaasi ay u sahleen inuu ku dhuunto Sheega diyaarada, halkaasina uu ku dhintay.

Waxaa lagu raad joogaa sidii loo heli lahaa Dayaaraddii Maydkaa ka soo dhacay wixii dheeraad ahna Qormada danbbe ayaan ku soo baahin doonnaa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:


thumbnail Title: Meydka Nin Cirka ka soo dhacay Oo laga helay Wadan Muslimiin dagaan-Muuqaal
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-23T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Meydka Nin Cirka ka soo dhacay Oo laga helay Wadan Muslimiin dagaan-Muuqaal



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 23, 2016 and have 0 comments