Midowga Europe oo cambaareeyey xukuno dilal ah oo laga fuliyey Somalia iyo Somaliland

Midowga Europe oo cambaareeyey xukuno dilal ah oo laga fuliyey Somalia iyo Somaliland

War Saxaafadeed si wadajir ah uga soo baxay Ergadda Midowga Europe ee Somalia  waxay si kulul u cambaareeyeen xukuno dilal ah oo bishan 3-da ka dhacay magaalladda Muqdisho iyo kuwo bishan 11-dii ka dhacay Darar-weyne iyo Xabsiga Mandera ee Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ergadda EU-da iyo xubnaha Dowladaha EU-da aad uga walaacsan yihiin inay Maamulayaasha xukunnadda dilalka ee u adeegsadaan Ciqaabta.



Madaxda Ergadda Midowga Europe waxay sheegeen inay Dowladaha EU-da si xooggan uga soo horjeedaan  xukunnadda dilalka, taasi oo ay sheegeen inay  xadgudub ku yihiin Xuquuqda Aadanaha iyo Sharafta Aadanaha.



War-saxaafadeedka  waxaa kaloo lagu muujiyey  inaan Xukunnadda dilalka loo adeegsan karin waxa ay ugu yeereen Qalabka Caddaaladda.

Ergadda Midowga Europe, waxay sheegeen inay ka go’an tahay in Mas’uuliyiinta lagala shaqeeyo sidii loo tirtiri lahaa Ciqaabaha Dilalka iyo sidii loo xoojin lahaa sidii ay Hay’addaha Garsoorka u bixin lahaayeen Garsoor Hufan iyo Caddaalad.


thumbnail Title: Midowga Europe oo cambaareeyey xukuno dilal ah oo laga fuliyey Somalia iyo Somaliland
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-15T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Midowga Europe oo cambaareeyey xukuno dilal ah oo laga fuliyey Somalia iyo Somaliland



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 15, 2016 and have 0 comments