Muqdisho: Boob iyo dhac loo geystey hay’adda Bisha Cas ee dalka Iran

Muqdisho: Boob iyo dhac loo geystey hay’adda Bisha Cas ee dalka Iran

Xarunta hay’adda Bisha Cas ee taabacsan dalka Iraan ayaa maanta waxaa u dhacay dad shacab ah kuwaas oo iska dhigaayey in ay mudaaharaad ka dhan ah Iran ay dhigayaan. Qaar kamid ah dadka ayaa ku hubeysnaa qoryaha AK47, waxaana ay jebiyeen albaabka hore, kadib waxaa halkaas ka dhacay Boob iyo dhac nooca loo yaqaan Bililiqada.

Hay’addan waxaa dhawaan eedeeyey Hay’adda nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA, waxaana ay ku eedeeyeen in ay dalka ka fidiyeen mad-habta Shiicada, iyada oo Soomaaliya 100% ay tahay Sunni.

Waxaa qofkasta oo soo gaara xarunta uu horey u dhufsadey waxa gacantiisu qaadi karto. Waxaa la arkaayey dadka qaarkood oo raranaya gaarigacan, waxaana la bililiqeystey dhamaan alaabtii xaruntaas ku qalabeysneyd.

Waxaa meesha soo gaarey ciidamo Boolis ah, kuwaas oo aan waxba ka qaban boobka loo geystey xaruntaas. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu qayb ka ahaayeen boobka, iyo kuwii horey u ilaalin jirey xaruntaas.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo Soomaaliya si rasmi ah xiriirkii ugu jartey Iran, iyada oo daba socota muranka Iraan iyo Sucuudiga. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Iiraan ku xadgudubtey shruucda Soomaaliuya oo dalkka ay ka faafineysey mad-habta Shiicada, sababtaasna ay tahay midda xiriirka loogu jarey.

Hay’adda Bisha Cas ee taabacsan Iiraan, ayaa dalka ka shaqeyneysey tan iyo sanadkii 2011 ee Macaluushu (Femine) ay dhacdey, waxaana ay dalka ku joogvtey oggolaanshaha Dowladda, waxaana ay meel kadhac ku noqoneysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, boobka maanta ka dhacay xarunta Bisha Cas ee Iiraan ee magaalada Muqdisho.

Diblomaasiyiinta Iiraan ayaa loo qabtey muddo 72 saac ah in ay uga baxaan Soomaaliya, taas oo ku ekeyd maalintii Axadda.


thumbnail Title: Muqdisho: Boob iyo dhac loo geystey hay’adda Bisha Cas ee dalka Iran
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-13T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Muqdisho: Boob iyo dhac loo geystey hay’adda Bisha Cas ee dalka Iran



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 13, 2016 and have 0 comments