Muqdisho oo xiriirki diblomaasiyadeed u jartay Tehraan

Muqdisho oo xiriirki diblomaasiyadeed u jartay Tehraan

Muqdisho(HANOOLAATO)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah xiriirki diplomaasiyadeed ugu jartay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan kadib xiisad kulul oo baryahan ka dhaxtaagneyd labada dowladood oo ka dhalatay dad Iraaniyiin ah oo la sheegay in ay mad-habta Shiicadda ku faafinayeen Soomaaliya.

Ciidamada nabadgelyada Soomaaliya ayaa dhawaan u dhacay Hotel ay saraakiil la sheegay in ay katirsanyihiin safaaradda Iran ay ku qabanayeen barnaamij shiiceyn ah iyada oo loogu dugaalayo xuska dhalashada Nabi Muxumed CSW.

Barta Facebook-ga ee Afhayeen Xukuumadda Soomaaliya C/salaam Caatto ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay xiriirki diplomaasiyadeed u jartay dalka Iraan.
Screen Shot 2016-01-07 at 14.35.43
Xiriirka diplomaasiyadeed ee Muqdisho iyo Tehraan ayaa sii xummaanayay muddooyinkan waxaana jirtay carro balaaran oo dadweynaha Soomaaliyeed iyo culimadu ay ka qabeen dhaqdhaqaqa safaaradda Iran ay ku fidineyso mad-habta Shiicadda.

Waxaa sidoo kale aad u sii xummaanaya xiriirka Iraan iyo dalalka Jaamicadda Carabta waxaana kamid ah dalka Sacuudiga oo u yeertay safiirkii kafadhiyay Tehraan islamarkaana eryay safiirki Iran u fadhiyay Riyaad.

Dowladda Iran ayaa siweyn uga carootay daldalaadi dhawaan maxkamad ku taala Sacuudiga ay ku qaarajisay 47 qof oo uu ku jiray wadaad weyn oo kamid ah Shiicadda u dhalatay Sacuudiga aadna uga soo horjeeday qoyska boqortooyada dalkaasi

Iran ayaa dhankeeda wada dilal aargoosi ah oo ay ku qaarajineyso dadka Sunniyiinta ah ee kunool waddankeeda kuwaasi oo laga tiro badanyahay. Waxaana la sheegay in Iraan ay ku qasabto dadka Sunniyiinta ah in ay soo galeen mad-habta Shiicadda haddii ay diidaana la dillo.



thumbnail Title: Muqdisho oo xiriirki diblomaasiyadeed u jartay Tehraan
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-08T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Muqdisho oo xiriirki diblomaasiyadeed u jartay Tehraan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 08, 2016 and have 0 comments