NIN MINDI KU HUBEYSNAA OO LAGU TOOGTAY MAGAALADA PARIS (DAAWO SAWIRADA) -

Xoogaga ammaanka ee Magaalada Paris, ayaa waxay toogasho ku dileen nin mindi ku hubeysnaa, xilli uu qorsheynaayay inuu gudaha u galo saldhig boolis.

Ninkan, ayaa waxaa Khamiistii shalay jeebabkiisa laga helay warqad uu ku sawiran yahay Calanka Ururka Daacish iyo teleefanka gacanta, waxaana kiiskiisa la wareegtay laanta dembi baarista Faransiiska.

Weerarkan, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, xilli Khamiistii dalkaasi laga xusaayay sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay, markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo.

Fran├žois Hollande, Madaxweynaha Faransiiska, ayaa wuxuu bogaadiyay xoogaga amniga sida ay kaga hortaggeen ninkaasi, oo sida uu sheegay doonaayay in dhibaato uu ka gaysto Caasimadda Faransiiska.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay xus loo samaynaayay sanad guurada ka soo wareegatay weerarka Charlie Hebdo, ayaa yiri "Waxay ciidamadeena dalka dibadiisa kula dagaalamayaan Daacish, waxaan ka gaarnay natiijo wanaagsan. Kooxdan argagaxisada hoos ayay u dhaceysaa gudaha Faransiiska. Waxaana ku daba joognaa argagaxisada.”

“Waan kala fur fureynaa xiriirkooda, waxaan xireynaa meelaha ay lacagaha ka hellaan iyo ururada caawiya argagaxisada. Si aan u wajahno arrintan, waxaan u baahanahay waxyaabaha lagama maarmaanka ah.”