Obama: Dimoqraadi Ayaa I Beddeli Doona

Obama: Dimoqraadi Ayaa I Beddeli Doona


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa u sheegay xubnaha xisbigiisa Dimoqraadiga, inuu hubo in qof dimoqraadi ah uu noqon doono madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Isaga oo khamiistii ka hadlayey magaalada Baltimore ee duleedka Woqooyi ee Washington, ayaa madaxweyne Obama waxa uu yiri “Xisbiga dimoqraadiga ayaa guuleysan doona November, waxaana yeelan doonaa madaxweyne Dimuqraadi ah oo I beddela– Waa haddii taas wax shaki ah kaaga jiro”.

Obama ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay saadaalintiisa, sababta oo ah Dimoqraadiga “Waxa ay diiraadda saaraan waxyaabaha qiimaha u leh nolosha dadka Mareykanka”.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa waxa uu la hadlayey sharci dejiyayaasha xisbiga Dimoqraadiga, oo ku jira fasaxooda sanadlaha ah.

Isaga oo hadal ku daraya musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa Obama waxa uu sheegay “Ma xoojin doonno hogaaminteena dunida, haddii aan u ogolaanno siyaasiyiinta inay aflagaadeeyaan muslimiinta, ama dadka Mareykanka iska horkeenaan”. 

Trump ayaa horey ugu baaqay in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka.


thumbnail Title: Obama: Dimoqraadi Ayaa I Beddeli Doona
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-30T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Obama: Dimoqraadi Ayaa I Beddeli Doona



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 30, 2016 and have 0 comments