QARAX GAARI OO AY KU DHAAWACMEEN LABO RUUX OO SAAKA KA DHACAY DEGMADA SHIBIS -

QARAX GAARI OO AY KU DHAAWACMEEN LABO RUUX OO SAAKA KA DHACAY DEGMADA SHIBIS -

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, jugta qarax aad u xoogan ayaa saaka laga maqlay Degmadaasi.

Qaraxaan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegen inuu ahaa nooca Baabuurta lagu xiro, waxaana lagu qarxiyay Baabuur nooca raaxada ah oo ruuxii watay markaasi uu ka degay.

Qofka Baabuurka watay ayaa la sheegay inuu ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana magaciisa lagu soo koobay Jaarlees, iyadoo Bartilmaameedka qaraxa uu isaga ahaa.

Labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi majirin wax dhimasho ah oo la soo wariyay.

Ciidamada ammaanka Dowladda ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay oo halkaasi waxa ay ka wadaan Baaritaano.

Xilliga qaraxaan uu saaka dhacaayay jawiga Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa mid degan oo waxa ay aheyd aroor hore, waxaana Qaraxa laga maqlay dhowr Degmo oo Muqdisho ka tirsan.

Qaraxyada gaadiidka lagu xiro iyo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka caasimada, ayaa sii kordhaya.





thumbnail Title: QARAX GAARI OO AY KU DHAAWACMEEN LABO RUUX OO SAAKA KA DHACAY DEGMADA SHIBIS -
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-11T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
QARAX GAARI OO AY KU DHAAWACMEEN LABO RUUX OO SAAKA KA DHACAY DEGMADA SHIBIS -



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 11, 2016 and have 0 comments