SADDEX QOF OO SOOMAALI AH OO MIDDI AY HAWEENEY TAHAY OO LAGU XIRAY CAASIMADDA MASAR

SADDEX QOF OO SOOMAALI AH OO MIDDI AY HAWEENEY TAHAY OO LAGU XIRAY CAASIMADDA MASAR

Saddex qof oo Soomaali ah, ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay lagu xiray Magaalada Qaahira ee Xarunta Masar, ka dib markii hawlgalo ammaanka lagu suggaayo ay ka sameeyeen Ciidamada Booliska.

Saddexdan qof ee Soomaalida ah, ayaa middi lagu sheegay inay haweeney tahay. Labada qof ee kale ee la xiray, ayaa laga garanaayay Magaalada Qaahira.

Xasan Cali Warfaa oo ka mid ah jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Masar, ayaa xaqiijiyay in hawlgalo ay sameeyeen Booliska Masar lagu xir xiray saddexdaasi qof. Wuxuu kaloo sheegay in haweeneyda la xiray ay haysatay dhalashada dalka Norway.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada nin ee kale la xiray lagu magacaabo C/fataax Cajab oo qoraa Somaliyeed ah iyo Axmed Nuur oo haystay Dugsi Qur’aanka Kariimka ardayda lagu baro. Warfaa ayaa xusay in saddexdaasi qof lagu haysto sharci darro, ay dalkaasi ku jooggeen.

Dhinaca kale sida ay qortay Warbaahinta Masar, lixdan ruux oo Soomaali ah, ayaa toddobaadkan laga musaafuriyay dalka Masar,markii siyaabooyin kala duwan ay u soo qab qabteen xoogaga ammaanka. Dadkaasi waxay Maxkamadi xukuntay in dalkoodu lagu celiyo, maadaama aanay wax sharci ihi ku lahayn dalkaasi.

Muddooyinkii ugu dambeysay, ayaa waxaa soo badanaayay Somalida isaga kala gudbeysa dalalka Suudaan iyo Masar, si ay dalka Masar uga tahriibaan qaaradda Yurub.


thumbnail Title: SADDEX QOF OO SOOMAALI AH OO MIDDI AY HAWEENEY TAHAY OO LAGU XIRAY CAASIMADDA MASAR
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-05T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SADDEX QOF OO SOOMAALI AH OO MIDDI AY HAWEENEY TAHAY OO LAGU XIRAY CAASIMADDA MASAR



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 05, 2016 and have 0 comments