Sawiro Murugo leh oo laga helay dhaawaca Wariyaha caanka ah ee Mucalimu..

Weriyaha caanka ah ee u shaqeyn jiray BBC-da Laanta Afsoomaaliya Maxamed Ibraahim Moalimuu ayaa xaaladiisa caafimaad ay ka soo reyneysaa isagoo dhaawac culus oo wejiga ah uu ka soo gaaray qaraxii Xeebta Liido.



Weriyaha oo markii hore la geeyay Isbitaalka Daaru Shifaa ee magaalada Muqdisho ayaa hadda ku sugan Isbitaalka Digfeer, wuxuuna maanta soo dhigay bartiisa Twitterka sawirkiisa oo wejigiisa uu ka muuqdo dhaawac xoog leh, laakiin kasoo reynaya.



Dhamaan saaxiibadiisa waxay u rajeeyeen caafimaad, isagoo ahaa weriye aad loogu kalsoon yahay oo ku caan baxay dhexdhexaadnimo iyo mihnad.