SAWIRRO: Ciidammo Booliis ah oo ka Socda Waddanka Nigeria oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Ciidammo Booliis ah oo ka socda Dalka Nigeria oo Tiradoodu tahay 140-askari oo qayb ka ah Hawl-galka ururka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qayb-qaataan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Askartan cusub ee booliiska ah oo ka socda Nigeria oo Arbacadii shalay ahayd soo gaaray soo gaaray Muqdisho, waxay bedeli doonaan ciidammo booliis ah oo ka socda Nigeria oo muddo sanad ah ka howlgalayay magaalada Muqdisho, kuwaasoo xilligooda shaqo uu ku ekaa bishii December ee sannadkii lasoo dhaafay2015-ka; iyadoo ciidamadan cusub ay soo dhaweeyeen Xubno ay ka mid ahayd ku xigeenka Taliyaha Booliiska AMISOM. Christine Alalo.

“Waxay ciidamadan u yimaadeen Somalia si ay uga caawiyaan ciidanka booliiska Somalia howlahooda joogtada ah. Waxaana waajibaadka ciidammadaan ka mid ah inay habeen iyo maalin roondooyin si ay u hubiyaan amniga Muqdisho,” ayay yiri Christine Alalo.

Sidoo kale, Christine Alalo ayaa sheegtay in ciidamadan cusub ee booliiska ah ee ka socda dalka Nigeria ay qaadan doonaan tababarro la xiriira waajibaadyadooda Soomaaliya ka hor inta aysan billaabin howlgalkooda shaqo ee soconaya muddo hal sano ah.

Dalka Nigeria ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka booliiska AMISOM ugu deeqay Somalia, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Gaana, Kenya, Sierra Loene iyo Uganda. Waxayna Taliye ku xigeenka ciidamada booliiska AMISOM, Christine Alalo sheegtay inay ciidamadii Nigeria ee shaqadooda dhameystay ay muujiyeen shaqo fiican oo ku dayasho mudan.

“Ciidamada Booliiska Nigeria ee xilligooda shaqo ay u dhammaatay waxay qabteen shaqo Ammaan mudan, waxayna halkii sano ee ay joogeen dalka qabteen howl aan uga mahad-celinayno. Ciidamada cusubna waxaan ka rajeynayaa inay iyaguna shaqooyin wanaagsan qabtaan inta ay halkan joogaan, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin,” ayay Christine Alalo ku dartay hadalkeeda.

Ugu dambeyn, Ciidamadan Booliiska AMISOM ayaa waxaa waajibaadyadooda ka mid ah inay tababarro siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya, si ay u noqdaan kuwo isku filan oo waajibaadyadooda shaqo fulin kara.