SHABAAB OO MAANTA MEYDAD HOR LEH KU SOO BANDHIGAY DEGMADA CEELCADDE IYO XABAAL WADAREED LOO SAMEYNAAYO CIDAMADA KENYA

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay Duhurnimadii maanta ay meydad hor leh ku soo bandhigeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Meydadkan, ayaa waxay ka tirsan yihiin Ciidamada Militariga Kenya, waxaana maanta meydadkooda laga keenay dhulka hawdka ee Degmadaasi. Meydadkan oo tiradoodu lagu sheegay toddobo askari, ayaa ahaa kuwii ka cararay Xerada, markii ay shalay Shabaabku ku soo weerareen.

Meydadka oo lagu soo bandhigay Fagaare Degmada Ceelcadde ku yaala, waxaa isugu soo baxay dadka deegaanka, markii ay Shabaabku ku amrayn inay isugu soo baxaan. 

Shabaabku waxay sheegeen meydadkan inaanay ka mid ahayn kuwii shalay lagu laayay Xerada Ceelcadde, lagu dilay hawdka Ceelcadde, markii ay maciin bideen.

Saraakiisha Al Shabaab, ayaa dadka deegaanka ku amray inay xabaal wadareed u sameeyaan dhammaan meydadka Ciidamada Kenya, ee tan iyo Jimcihii lagu dilay Degmada Ceelcadde iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Degmada Ceelcadde ay ku dileen in ka badan 100 askari oo Ciidamada Kenya ah.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in weerarka ay Shabaabku ka gaysteen Xerada Ciidamada Kenya ee Ceelcadde lagu dilay ugu yaraan boqol ka mid ah Militariga Kenya.

Dadka deegaanku waxay sheegeen inay arkayn in ka badan shan taangiyada dagaalka ee Ciidamada Kenya, oo lagu gubay weerarkii maalintii Jimcaha ka dhacay Degmadaasi Ceelcadde.