SHEEKH C/RAXMAAN SHEEKH CUMAR OO SHEEGAY IN SHIICADA AY KA HALIS BADAN TAHAY DAGAALKA SUUFIYADA IYO SHABAAB

SHEEKH C/RAXMAAN SHEEKH CUMAR OO SHEEGAY IN SHIICADA AY KA HALIS BADAN TAHAY DAGAALKA SUUFIYADA IYO SHABAAB

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Shiicadu ay ka halis badan tahay dagaalka u dhaxeeya Suufiyada iyo xagjiriinta.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, ayaa yiri “Somaliya dagaal sokeeye ayay ku dhex jirtay oo hadda ay ka soo baxday, Ilaahay haka dhameystiro . Iyadoo dadka Suufiyada ama dadka xagjirka ah waxyaalaha ay ku dagaashan yihiin waa wax xadidan ama la dhihi karo la xadidi karo. Laakiin Shiicadu waa khatar ka wayn waxa la’isku khilaafsan yahay, oo aad iyo aad halis u ah oo nacladaayo Abubakar, Cumar iyo caqiidadoodu oo ay ka mid tahay in Kitaabka Qur’aanka uu yahay Kitaab aan dhameystirnayn.”

“Dagaalka sokeeye iyo waxaan waa ka sii khatarsan yihiin Shiicada, haddii la’is leynaayana waxa la’isku leynayaa mad-hab. Suno iyo Shiico ayaa la’isku leynayaa, waxay keynaysaa colaad aad khatar u ah, oo ah in dadka ay amniga halis geliyaan, iyagoo isticmaalaaya wasaa’il qarsoon.”

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, ayaa sidoo kale sheegay in fekerka Shiicada lagu baahin karo dalka Somaliya, iyadoo Shiicada ay adeegsanayso magacyo kala duwan, sida Safaarad ama hay’ad khayri oo kala ah.

“Way dhici kartaa in lagu faafiyo si qarsoon, sababtoo ah Shiicadu waxay aaminsan yihiin in la’is qariyo, oo magacyo kale la qaato, oo markaa iyadoo Shiicada runta ahayd la sheegaynin in markaa lagu fidiyo, oo dadka hoos loo geliyo.”  Ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo la hadlay VOA, ayaa yiri “Gaar ahaan waqtigan baahida ay jirto, oo dadku aad u dhiban yihiin, oo aad iyo aad ay dhibaato ku soo dhacday, waa lagu fidin karaa, hoos haddii loo fidiyo iyo haddii sida ay yaqaaniinba, sida Nigeria ka dhacday oo kale.”

Waxa uu intaa ku daray “Sida ka dhacday wadamo badan oo si qarsoodi ah ay Safaarad ahaan ugu taggeen ama hay’ad khayri ah. Magacyo saas oo kale fara-badan, iyadoo la isticmaalaayo ayaa la fidin karaa, oo dad loo adeegsan karaa, lana gelin karaa wadanka.” 


thumbnail Title: SHEEKH C/RAXMAAN SHEEKH CUMAR OO SHEEGAY IN SHIICADA AY KA HALIS BADAN TAHAY DAGAALKA SUUFIYADA IYO SHABAAB
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-10T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SHEEKH C/RAXMAAN SHEEKH CUMAR OO SHEEGAY IN SHIICADA AY KA HALIS BADAN TAHAY DAGAALKA SUUFIYADA IYO SHABAAB



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 10, 2016 and have 0 comments