Siilaanyo oo dawladda Soomaaliya eedeeyay

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ku eedeeyay dawlada federaalka Soomaaliya in ay xasillooni daro ka wado qaybo ka mid ah dhulka Somaliland, una soo dirtay kooxo nabadgelyo daro abuura waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudabad sanadeedkiisa u jeediyay maanta labada aqal ee baarlamaanka Somaliland wuxuu kaloo ka hadlay wada hadallada Soomaliya iyo Somaliland, mawqifka Somaliland ee xasarada u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan , iyo arimo kale .

Weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid cige oo goob joog u ahaa khudbada Madaxweyne siilaanyo ayaa warbixintan goor dhoweyd noo soo diray.