SIYAASIYIINTA SOMALIDA KENYA OO UGU BAAQAY DOWLADDA KENYA INAY SHABAAB 48 SAACADOOD GUDAHOODA UGA AARGUTAAN WEERARKII CEELCADDE

SIYAASIYIINTA SOMALIDA KENYA OO UGU BAAQAY DOWLADDA KENYA INAY SHABAAB 48 SAACADOOD GUDAHOODA UGA AARGUTAAN WEERARKII CEELCADDE

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somalida ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay Dowladda wadankaasi inay qaado ficilo ay kaga jawaabayso weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Xerada ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.,

Siyaasiyiinta waxay cambaareeyeen weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigii Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Degmada Ceelcadde ee Gobalka Gedo, laguna dilay Askar badan oo Kenyaan oo ilaa hada aanan la ogeyn tiradooda

Taliska ciidanka Kenya ee Somaliya ayeey ugu baaqeen Siyaasiyinta inay qaadaan ficil looga jawaabayo weerarka Shabaabka ay ka geysteen Ceelcadde muddo 48 saacadooda gudahoodna la doonaayo jawaabtaasi.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Garissa, ahaana Wasiirkii Gaashaandhigga Kenya ee amray inay Ciiddanka Kenya soo galaan gudaha dalka Somalia ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya garab taagan yihiin Madaxweynaha Somalia, isla markaana ay taageeradda sii wadi doonaan ilaa ay Dowladda Federalka dib uga soo celinayso Nabadda Somalia.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa dhanka kale sheegay weeraradii Shabaab ay ka fulin jireen dalka Kenya gudihiisa inay hada u weeciyeen dhanka Xerooyinka ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Somaliya.

“Waxaan joojinay Sideeddii Bil ee lasoo dhaafay weeraradii Al­shabaab ka geysanayeen gudaha dalka, laakiin waxay taasi ku bedaleen inay weeraro ku qaadaan ciidankeena jooga Soomaaliya.” Ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.

“Ciidamada Kenya waxay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin iyo sidii ay Soomaalida u caawin lahaayeen, Soomaaliya kama soo bixi doonaan inta ciidanka Amisom ee ka socda dalalka Burundi, Uganda, iyo Itoobiya ay joogaan.” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.


thumbnail Title: SIYAASIYIINTA SOMALIDA KENYA OO UGU BAAQAY DOWLADDA KENYA INAY SHABAAB 48 SAACADOOD GUDAHOODA UGA AARGUTAAN WEERARKII CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-18T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SIYAASIYIINTA SOMALIDA KENYA OO UGU BAAQAY DOWLADDA KENYA INAY SHABAAB 48 SAACADOOD GUDAHOODA UGA AARGUTAAN WEERARKII CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 18, 2016 and have 0 comments