SOMALILAND OO BEENISAY IN DADKA KA SOO JEEDA KOONFURTA SOMALIYA LAGA CELINAAYO GOBOLKA SANAAG

Axmed Cabdi Jaamac, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, ayaa wuxuu beeniyay in dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Somaliya lagu amray inay isaga baxaan Gobolkaasi.

Warbaahinta Somalida, ayaa qaarkeed qortay in dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya oo ka shaqeysta Gobolka Sanaag lagu amray in muddo toddobaad ihi ay kaga baxaan Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in loo yeeray qof kasta oo ganacsi ku leh Gobolka, laga lana hadlay arrimaha ammaanka, si loo ogaado waxa uu qof walba ku sugan yahay ee dhinaca ammaanka, laakiin aanu jirin meel uu isagu ku sheegay in dadkaasi uu ku amray inay isaga baxaan Gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay la xeer yihiin dadka kale ee ku dhaqan deegaanada kale ee Somaliland, isla-markaana aysan jirin sabab ay iyaga kaga gaar yihiin.

Somaliland, ayaa waxay wadaa dadaalo ay deegaanadeeda kaga saareyso qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, ee sharci la’aanta ku joogta Somaliland.