SOMALILAND OO SI BUUXDO ISKU GARAB TAAGTEY DOWLADDA BOQORTOOYADA SACUUDI CARABIYA

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxay si buuxdo isku garab taagtey Boqortooyada Sacuudi Carabiya, xilli xiisad xoogan ay kala dhaxeyso Dowladda Iran.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta si xoogan u cambaareeyay tallaabadii lagu gubay Safaaraddii Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ay ku laheyd Magaalada Tehran ee dalka Iran.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu yiri "Waxaanu halkaan ku cambaaraynaynaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaaradda dalka Sacuudiga uu ku lahaa dalka Iran, taasoo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblomaasiyadda dunida, kana soo horjeeda shuruucda caalamiga ah.”

"Dowladda Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darrada dalka Iran ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo marin biyoodka Badda Cas."

Madaxweynaha, ayaa si wayn u taageeray mowqifkii ay Wadamada Jaamacadda Carabta, ay Axadii ku taageereen Dowladda Sacuudi Carabiya.

"Dowladda Somaliland waxay si buuxdo u garab taagan tahay mowqifka ay ka qaateen Dowladaha Jaamacadda Carabta, arrintan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadalkan ku sheegay khudbadiisa sanadlaha ah, oo maanta uu ka jeediyay Magaalada Hargeysa.