Soosaarayaasha Filimada oo isku dagaalaya wiilka weyn Shah Rukh Khan ee Aryan Khan

Soosaarayaasha Filimada oo isku dagaalaya wiilka weyn Shah Rukh Khan ee Aryan Khan

 Karan Johar oo aad garaneysaan inuu Filimo badan oo isaga uu lahaa uu u dhiibay Jilaaga Shah Rukh Khan ayaa damacsan qorshe kale.

Filimo badan oo cajiib jaceyl ah ninkan uu soosaaray waxaa jilay Shah Rukh Khan,waana saaxibo.



Hadaba waxaa uu doonayaa karan Johar inuu Filimkiisa uu u dhiibo marka uu Filimada ku soo biiro wiilka uu dhalay Shah Rukh Khan ee Aryan Khan.



Xafladii 61 aad Filmfare Pre Awards waxaa uu ka sheegay Karan Johar hadii Aryan uu ku soo biiro filimada hadiiba Filim loo sameynayo inuu isaga u sameyn doono laakiin ma garanayo goorta ay dhaceyso taas.



Shah Rukh Khan ayaa wiilkiisa Aryan u sheegay inuusan ku biireyn Filimada ilaa waxbarashada uu ka dhameeyo.



thumbnail Title: Soosaarayaasha Filimada oo isku dagaalaya wiilka weyn Shah Rukh Khan ee Aryan Khan
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-14T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Soosaarayaasha Filimada oo isku dagaalaya wiilka weyn Shah Rukh Khan ee Aryan Khan



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 14, 2016 and have 0 comments