Turkiga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku soo xadgudubay hawadooda

Turkiga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku soo xadgudubay hawadooda

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku eedeysay Ruushka in Jimcihii la soo dhaafay ku soo xadgudubtay Hawadooda, markii diyaarad dagaal ay soo gashay hawada meel ku dhow Xuduuda Suuriya.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Ruushka ay mar kale soo galeen hawada Suuriya, waxaana ay uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilkaas.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in digniin horu dhac ah la siiyay duuliyaha diyaarada, isla markaana lagula hadlay afafka Ingiriiska iyo Ruushka.

Xukuumadda Moscow oo ka jawaabeysay eedeynta Turkiga ayaa ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku saleysneyn oo been abuur ah.


Xiisada labada dal u dhaxeysa ayaa sii xoogeysanayay, tan iyo markii Turkiga uu bishii November ee sanadkii hore uu soo riday diyaarad dagaal uu leeyahay Ruushka.

Ruushka ayaa gooyay cilaaqaadkii Diblomaasiyadeed uu la lahaa Turkiga, waxaana uu ku soo rogay cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ah.

Dhinaca kale NATO ayaa ugu baaqday Ruushka inay dhowrto hawada dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga NATO.

Ruushka ayaa saldhig milateri ku leh gudaha Suuriya, halkaasoo uu ka wado ololaha duqeynta ka dhanka ah kooxaha ka soo horjeeda dowladda Bashar Al-Asad.


thumbnail Title: Turkiga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku soo xadgudubay hawadooda
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-31T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Turkiga oo ku eedeeyay Ruushka inuu ku soo xadgudubay hawadooda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 31, 2016 and have 0 comments