Walaalo kala lunsanaa 75 Sano Oo hadda is helay ! (Yaab News)

Walaalo kala lunsanaa 75 Sano Oo hadda is helay ! (Yaab News)

Sida la shaaciyay Walaalo u dhashay dalka Faransiiska oo kala lumay ka hor dagaalkii 2aad ee adduunka, ayaa 75 sannadood kadib is helay.
Mrs. Rose Burgeligh oo 78 jir ah iyo John Stub boo oo isaguna 77 jir gaadhay, ayaa kala lumay 1938-kii, kadib markii Rose muddo dheer iskala noolayd edadeed, magacana iska beddeshay, degaan kalena tagtay.

Hadaba Walaalahan hooyadood oo la odhan jiray Gladys waxay geeriyooay wax yar kadib 1941, iyadoo da?deedu ahayd 30 jir, halka aabbahood oo askari ahaa oo la odhan jiray Charles laba jeer ay gacanta ku dhigeen ciidammadii Jarmalku, muddana loo haystay maxbuus dagaal,

Nin ay asxaab yihiin Mrs. Burgelish oo la yidhaa Roger Mithcell ayaa ku guulaystay inuu walaalkeed u keeno, dibna umideeyo noloshooda kala baaday,

Markii Roger ii sheegay inuu helay walaalkay, wuu ila soo hadashiiyey, farxadna waan joogi kari waayey, dabadeed waan naxay oo xuska ayaa iga tegi gaadhay,

Markii aan telefoonkiisa garaacay dareemaha garashaduba may i joogin, balse aad baan ugu farxay inaan la hadlo. Qofka aad walaalo tihiin xidhiidhkiinnu waa mid dabiici ah, laakiin aniga ilmo ayaa iga joogsan wayday farxad aawadeed markii aan la hadlay walaalkay,? ayey tidhi Mrs. Rose Burgeligh.

Sidoo kale, Mr. Stubbs ayaa xusay inuu walaashii baadi-goobaayey muddo 50 sannadood ah, isagoo arrintaas ka hadlayeyna wuxuu yidhi; Maan garanayn waalidka soo korsaday inuu magaca iska beddelay oo uu ka tegay magacii qoyska ee ahaa Stubbs, una beddelay magaca Kelly, taasoo noqotay mid adag in la aqoonsado. Markii aan telefoonka ka helay Mr. Rose, aniga iyo walaashayba waannu oynay oo hadalba waannu is odhan kari waynay. Mar labaad baannu wada xidhiidhnay, kadibna waxa noo suurtogashay in aannu in badan wada hadalno, aakhirkiina waannu is-helnay,

Mrs. Burleigh waxa yaraanteedii loo diray inay edadeed la noolaato waqtigii uu socday dagaalkii 2aad ee adduunka, halka Mr. Stubbs la joogay ayeeydii iyo hooyadii, ilaa haddana lama garanayo sababaha kala kexeeyeyy walaalahan, waxase loo aanaynayaa dagaalkaas dartii.

Aabbaha walaalaha muddada dheer is-raadinayey waxa gacanta ku dhigay ciidammada Jarmalka, balse wuu ka baxsaday xabsigii loo taxaabay,
aakhirkiina waxa gacanta mar labaad ku dhigay ciidammadii Naziga ee ku jiray magaalada Jersey ee dalka Faransiiska, balse waxa la sii daayey markii dagaalkii 2aad dhammaaday, waxaannu awoodi waayey inuu carruurtiisa isu keeno.

Waxaan xasuustaa nin dharka millateriga xidhan oo guriga ka dhex ooyayey, balse wuu iska noqday, waxaana la ii sheegay inuu ahaa aabbahay iyo walaalkay,? ayey tidhi Rose Burgeligh.

Mr. Stubbs ayaa aaminsan in waalidiinka soo korsaday walaashii u diideen inay waalidkeed u celiyaan, wixii intaa ka dambeeyeyna mar qudha lama ay kulmin aabbaheed kulmin, waxaannu geeriyooday bishii June ee sannadkii 1984, isagoo 70 jir ah.

Ugu danbeeyntii labadan waxay ku kulmeen 75 sannadood kadib magaalada Southampton ee Faransiiska, iyagoo waayeel ah oo socodka xitaa gabay,


thumbnail Title: Walaalo kala lunsanaa 75 Sano Oo hadda is helay ! (Yaab News)
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-06T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Walaalo kala lunsanaa 75 Sano Oo hadda is helay ! (Yaab News)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 06, 2016 and have 0 comments