WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA WADAMADA KHALIIJKA OO KULAN KU LEH MAGAALADA RIYADH

WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA WADAMADA KHALIIJKA OO KULAN KU LEH MAGAALADA RIYADH

Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Khaliijka, ayaa waxay maalinta Sabtida ay kulan ku leeyihiin Magaalada Riyadh ee Xarunta Wadanka Sacuudi Carabiya.

Kulankan, ayaa ah mid ay dalbatay Dowladda Sacuudi Carabiya, si go’aan mideysan ay kaga gaaraan arrinta Iran. Iran waxaa loo arkaa mid gardaro iyo daan-daansiba ku haysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiiradan, ayaa waxay ka wada hadli doonaan arrimaha taagan, iyadoo la fillaayo in mowqif mideysan ay ka qaataan Iran, inkastoo aan la aqoon waxa uu biyo dhiga kulankaasi noqon doono.

Sacuudiga, ayaa dhabarka ka riixaaya dalalka ay xulufada yihiin, si halmeel looga soo wada jeesto Dowladda Iran, oo xurguf xoogani ay kala dhaxeyso

Dalal ay ka mid yihiin Bahrain, Sudan iyo Emirate-ka Carabta, ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray Iran, iyagoo markaasi u muuqdo inay la safteen Xukuumadda Riyadh, oo khilaaf xoogani uu kala dhaxeeyo Xukuumadda Tehran.


thumbnail Title: WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA WADAMADA KHALIIJKA OO KULAN KU LEH MAGAALADA RIYADH
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-07T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA WADAMADA KHALIIJKA OO KULAN KU LEH MAGAALADA RIYADH



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 07, 2016 and have 0 comments