Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Kismaayo kula kulmay Saraakiisha AMISOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo ka mid ahaa Wafdi maanta gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Kulamo kula qaatay Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Kismaayo.
Tedros Adhanom ayaa Kulan ay Saxafadu dibadda ka joogtay la qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka kala socda Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya,iyadoo Wararku ay sheegayaan inuu kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
Wasirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa sidoo kale Amaanay Doorka Ciidamada Midawga Afrika ay ku leeyihiin Dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab,waxaana uu rajo ka muujiyay in Waqtiga dhaw Al-shabaab laga saari doono Guud ahaan Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Dalalka Kenya iyo Itoobiya,kuwaas oo ka mid ah Howlgalka Midawga Afrika Ee AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Kismaayo Ciidamada Itoobiya ay u tageen Xoojinta Amniga Magaalada,balse Maamulka Jubbaland uu beeniyay Wararkaasi.