WIIL SOMALIYA OO GABADH SWEDISCH AH DILAY OO MAXKAMADA LA HORKEENAY.

WIIL SOMALIYA OO GABADH SWEDISCH AH DILAY OO MAXKAMADA LA HORKEENAY.

Maxkamad ku taal magalaada Gothernberg ee dalka Sweden ayaa maalintii shalay waxaa lasoo taagay wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu midi ku dilay gabar ka shaqeeneysay xarun lagu xanaaneeyo caruurta aan waalidkood la socon.

Wiilkii Soomaaliga ahaa ee gabadha caddaanka ku dilay dalka Sweden ayaa maxkadama dalka Sweden la soo horjoojiyey,wiilkana ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Khaliif Nuur, waxa uuna ku eedeesan yahay in uu mindi uu ku dilay gabadh 22-sano jir ah aslakeeduna uu kasoo jeedo dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Alexandra Mezher.

Maxkmada ayaa su’aalo waxa ay ka wdeediisay dilka uu ku eedeesan yahay Yuusuf Khaliif Nuur, hasa ahaatee wiilkan ayaa diiday in uu jawaabo waafi ah ka bixiyo dambiga loo haysto, waxaana maxkamdu markii dambe amartay in qol xidhan dacwadiisa lagu dhageesto.

Qaadiga qaadayay dacwada Wiilkan Soomaaliga ah ayaa amray in xabsiga dib loogu celiyo wiilkan ilaa 11-Febraayo inta laga soo dhameestirayo baadhitaanada ay ciidanka booliiska ku sameenayaan kiiskan dilka ah.

Waxaa jira shaki laga qabo da’da uu wiilkan sheegtay oo 15-sano jir, waxaana wiilkan la sheegay inuu leeyahay gadh iyo shaarubo,waxa ayna ciidanka baadhayaan taariikhdii hore wiilka Soomaaliga ah ee dilka ku eedeesan.

RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAAL QAABKA UU UDILAY



thumbnail Title: WIIL SOMALIYA OO GABADH SWEDISCH AH DILAY OO MAXKAMADA LA HORKEENAY.
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-31T05:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WIIL SOMALIYA OO GABADH SWEDISCH AH DILAY OO MAXKAMADA LA HORKEENAY.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 31, 2016 and have 0 comments