XOG: Ethiopia oo canshuur Qaadis ka bilowday Gobol SOMALIA ka mid ah

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowlada Ethiopia qeybna ka ah howlgalada AMISOM ay halkaasi ka bilaaben qaadista lacagaha canshuurta maamulka.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in ciidamadaasi ay canshuur qaadista ku wehliyaan ciidamo ka tirsan Booliska maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Xiliyada subixii ayaa waxaa suuqyada lagu arkaa ciidamo Ethiopian ah oo raxan-raxan u socda wadooyinka iyo suuqyada magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ka qaadan lacagaha canshuurta, sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah Siyaasiyiinta maamulka.

Shacabka magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xiran Baydhabo ayaa is weydiinaaya danta laga leeyahay canshuur uruurinta ay ciidamada Ethiopia kawadaan magaalada.

Ciidamada Ethiopia oo inta badan ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa waxa ay halkaasi u joogan in maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka mashquuliyaan maamulka iyo dadka ku hoosnool, hayeeshee waxaa muuqaneysa in halkaasi ay kawadaan macaash.

Ma jirto cid ka hadashay ficilada ciidamada Ethiopia ay ku baadayaan shacabka ka ganacsada alaabaha yar yar ee laga qaado canshuurta aan amarkeedu kasoo bixin maamulka Koonfur Galbeed.