XOOGAGA SHABAAB OO LABA CISHO KA DIB ISAGA BAXAY DEGMADA CEELCADDE

XOOGAGA SHABAAB OO LABA CISHO KA DIB ISAGA BAXAY DEGMADA CEELCADDE

Ka dib muddo laba maalmood oo Ururka Al Shabaab ay gacanta ku hayeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa xilligan la soo sheegayaa inay isaga baxeen Degmadaasi.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa laba jiho kaga baxay Degmadaasi, waxaana adag in xog dhab ah laga helo goobaha ay u kala ruqaansadeen, marka laga soo taggo inay isaga baxeen Degmadaasi.

Maxamed Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray Degmadaasi, ayaa galabta sheegay in wax maamul ah aanu ka jirin Degmadaasi Ceelcadde.

Maxamed Aadan oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa tilmaamay inay jiraan warar xilligan soo baxaaya, oo sheegaaya in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay ku soo wajahan yihiin Degmadaasi.

Mar uu Maxamed ka hadlaayay wixii maalintii Jimcaha ka dhacay Degmada Ceelcadde, ayaa wuxuu ku macneeyay weerarkii ugu ba’naa oo ka dhaca Degmadaasi, inta uu xusuusan yahay.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 100 askari, oo ka tirsan Ciidamada Militariga Kenya, halka tiro kalana ay kaga dhaawaceen.

Al Shabaab waxay maanta shaacisay inay nolosha ku qabatay 12 ka mid ah Ciidamada Militariga Kenya, isla-markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan.


thumbnail Title: XOOGAGA SHABAAB OO LABA CISHO KA DIB ISAGA BAXAY DEGMADA CEELCADDE
Posted by:galmada Net
Published :2016-01-19T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOOGAGA SHABAAB OO LABA CISHO KA DIB ISAGA BAXAY DEGMADA CEELCADDE



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 19, 2016 and have 0 comments