50-Ka Magaalo Ee Adduunka Ugu Halis Badan, 41 Ka Mid Ahi Waxay Ku Yaallaa Latin America

50-Ka Magaalo Ee Adduunka Ugu Halis Badan, 41 Ka Mid Ahi Waxay Ku Yaallaa Latin America

Caasimadaha iyo magaalooyinka dunida qaar badan oo ka mid ah ayaa la sheegaa in amni ahaan aan lagu noolaan Karin khatartooduna badan tahay. Waxa jira caasimado dagaalo ba’ani ka socdaan ama ka soo jireen sannadihii ugu dambeeyey oo aan haddana lagu tilmaami Karin qiimayn la sameeyey magaalo aan lagu noolaan Karin. Akhriste, haddii aad maqasho magaalooyinka ugu halis badan adduunka waxa aad xasuusanaysaa oo maskaxdaada ku soo dhacaya magaalooyinka ay ka mid yihiin Muqdisho (Somalia), Xalab (Suuriya), Ximis (Suuriya) iyo Ramaadi oo ciraaq ah iyo guud ahaan magaalooyinka dagaaladu saameeyeen ee aanay noloshu ka hirgeli Karin balse waxa jira magaalooyin aanay wax dagaalo ahi ka socon oo haddana lagu tilmaamo kuwa ugu halis badan adduunka. Urur qiimeeya nabadgelyada iyo xuquuqda aadanaha oo qayb ka ah qaramada Midoobay ayaa mar kale soo saaray liiska 50 Magaalo oo loo aqoonsaday kuwa ugu halis badan caalamka, nabad galyo ahaana ay dadka nool ama soo booqdaa aad uga walaacaan. Waxa layaab leh in 41 magaalo oo ka mid ah 50-ka Magaalo ee ugu halis badan caalamku ku yaallaan dalalka Latin America. Waxa aan qiimayntan ku jirin magaalooyin badan oo dagaalo aafeeyeen balse qiimayntu siyaalo kale ayay u dhacaysaa oo la xidhiidha dhinacyada ganacsiga daroogada, kooxaha gaangiska ah ee wax dila, afduubka iyo qaraxyada qorshaysan. Waxaana caasimadda adduunka ugu halis badan lagu sheegay qiimayntan mar kale caasimadda wadanka Venezuela ee Caracas. Waxa kale oo arrin layaab leh noqday 21 magaalo oo ka mid ah 50-kan magaalo ee ugu halis badani in ay ku yaallaan waddanka Brazil. Waxa aan eegi doonaa caasimad walba inta dambi ee celcelis ahaan ka dhacda marka loo qaybiyo 1000-kii qof ee degganba. 50-ka magaalo ee adduunka ugu halis badani waxa ay kala yihiin:
1. Caracas, Venezuela – 119.87- dambi
2. Pedro Sula, Honduras – 111.03- dambi
3. San Salvador, El Salvador – 108.54- dambi
4. Acapulco, Mexico – 104.73- dambi
5. Maturin, Venezuela – 86.45- dambi
6. Distrito Central, Honduras – 73.51- dambi
7. Valencia, Venezuela – 72.31- dambi
8. Palmira, Colombia – 70.88- dambi
9. Cape Town, South Africa – 65.53- dambi
10. Cali, Colombia – 64.27- dambi
11. Cuidad Guayana, Venezuela – 62.33- dambi
12. Fortaleza, Brazil – 60.77- dambi
13. Natal, Brazil – 60.66- dambi
14. Salvador, Brazil – 60.63- dambi
15. St Louis, Missouri, U.S. – 59.23- dambi
16. Joao Pessoa, Brazil – 58.40- dambi
17. Culiacan, Mexico – 56.09- dambi
18. Maceio, Brazil – 55.63- dambi
19. Baltimore, Maryland, U.S. – 54.98- dambi
20. Barquisimeto, Venezuela – 54.96- dambi
21. Sao Luis, Brazil – 53.05- dambi
22. Cuiaba, Brazil – 48.5- dambi
23. Manaus, Brazil – 47.87- dambi
24. Cumana, Venezuela – 47.77- dambi
25. Guatemala City, Guatemala – 47.17- dambi
26. Belem, Brazil – 45.83- dambi
27. Feira de Santana, Brazil – 45.5- dambi
28. Detroit, Michigan, U.S. – 43.89- dambi
29. Goiania, Brazil – 43.38- dambi
30. Teresina, Brazil – 42.64- dambi
31. Vitoria, Brazil – 41.99- dambi
32. New Orleans, Louisiana, U.S. – 41.44- dambi
33. Kingston, Jamaica – 41.14- dambi
34. Gran Barcelona, Venezuela – 40.08- dambi
35. Tijuana, Mexico – 39.09- dambi
36. Vitoria da Conquista, Brazil – 38.46- dambi
37. Recife, Brazil – 38.12- dambi
38. Aracaju. Brazil – 37.7- dambi
39. Campos dos Goytacazes, Brazil – 36.16- dambi
40. Campina Grande, Brazil – 36.04- dambi
41. Durban, South Africa – 35.93- dambi
42. Nelson Mandela Bay, South Africa – 35.85- dambi
43. Porto Alegre, Brazil – 34.73- dambi
44. Curitiba, Brazil – 34.71- dambi
45. Pereira, Colombia – 32.58- dambi
46. Victoria, Mexico – 30.50- dambi
47. Johannesburg, South Africa – 30.31- dambi
48. Macapa, Brazil – 30.25- dambi
49. Maracaibo, Venezuela – 28.85- dambi
50. Obregon, Mexico – 28.29- dambi



thumbnail Title: 50-Ka Magaalo Ee Adduunka Ugu Halis Badan, 41 Ka Mid Ahi Waxay Ku Yaallaa Latin America
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-20T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
50-Ka Magaalo Ee Adduunka Ugu Halis Badan, 41 Ka Mid Ahi Waxay Ku Yaallaa Latin America



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 20, 2016 and have 0 comments