Carmal 125-Jir Ah Oo Baadi Goob Ugu Jirta Ninkii Ay Nolosha La Qaybsan Lahayd Oo Soo Jiidatay Indhaha Warbaahinta

Carmal 125-Jir Ah Oo Baadi Goob Ugu Jirta Ninkii Ay Nolosha La Qaybsan Lahayd Oo Soo Jiidatay Indhaha Warbaahinta

Beirut (FOORE)- Sawir-qaadayaal iyo wariyayaal u dhashay warbaahinta dalalka Carabta ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey ku sii qulqulayay si ay warar iyo warbixino uga soo diyaariyaan haweenay duq ah oo u dhalatay wadanka Lubnaan taasi oo dhawaan sheegtay in ay guurdoon tahay da’deeduna baarka ka jartay 125 sanadood. Arrinkan xiisaha leh ayaa ka dambeeyey markii ay Ma’muun oo 125 Jir ah ahna haweenay Carmal ah aadna looga yaqaano deegaankeeda Dabaabiya ay ku dhawaaqday in ay wali rajo ka qabto in ay hesho nin ay is guursadaan inkasta oo da’deedu weynaatay hadana ay tahay haweenay nolosha ku faraxsan oo doonaysa in ay noqoto marwo reer maamulata. Ma’muun oo deegaanka ay ku nooshahay aad looga jecel yahay ahna haweenay kaftan badan, bulshaawiyad ah oo aad loogu soo ururo ayaa waxa mar kali ah gurigeeda soo buux dhaafiyey kooxo wariyayaal iyo sawir qaadayaal ah oo doonayay in ay sawir ka qaadan Ma’muun oo dadeedu wiiggan gaadhay 125 sano oo caafimaadkeedu aad u wanagsanyahay, balse dadka deegaanka Dabaabiya ee ay ku nooshahay aad ula yaabban yihiin markii ay ku dhawaaqday in ay guur doon tahay. Wariyayaashii haweenaydan duqda ah booqday ayaa warbixino ay ka soo diyaariyeen wax ay ku sheegeen in ay tahay haweenay furfuran, nolosha aad u fahansan muddo badan dadka deegaankeedu aad u jeclaayeen muqaalkeeduna wali u muuqdo da’da toddobaatameeyaha. Haweenaydan ayay wariyayaasha booqday ku sheegeen in ay tahay haweenay aan ka werwer qabin wakhtiga iyo da’da haysa. “Waa qof qalbi wanaagsan. Waxa ay u soo joogtay taariikh weyn. Waxa ay leedahay 5 caruur ah, afar hablood iyo wiil. Waa haweenay beeralay ah oo beerteeda ka shaqaysan jirtay illaa 15 jirkeedii. Waxa ay noo sheegtay in aanay waligeed cunin cunto warshadaysan oo qasacado ku jirta inta badana ay cunto kalluunka webiga laga soo saaro, midho iyo saliidda saytuunka. Caanaha liska ah ee xoolaha ayay jeceshahay oo ay cabtaa gaar ahaan caanaha adhiga. Markii ay noo warramaysay waxa ay noo sheegtay in ay usoo joogtay waayo badan oo farxad iyo dhibba leh. Waligeed ma cunto cuntooyinka macaan iyo hilibka xoolaha. Waa qof lugaysa oo shaqo badan. Waxay had iyo jeer tidhaa oo ay ku celcelinaysaa waxaan diyaar u ahay cidii inta noloshayda ka hadhay la qaybsan lahayd? Weli waxaan ahay ayay tidhaa oo ay kugula kaftamaysaa calaf-doon waayo odaygeegi waxa uu dhintay beri hore oo qiyaastii noqonaysa 39 sano ka hor” sidaa waxa yidhi wariye Mascuud Al-nureyni Oo ka tirsan wakaaladda wararka Carabta ee ANA.


thumbnail Title: Carmal 125-Jir Ah Oo Baadi Goob Ugu Jirta Ninkii Ay Nolosha La Qaybsan Lahayd Oo Soo Jiidatay Indhaha Warbaahinta
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-20T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Carmal 125-Jir Ah Oo Baadi Goob Ugu Jirta Ninkii Ay Nolosha La Qaybsan Lahayd Oo Soo Jiidatay Indhaha Warbaahinta



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 20, 2016 and have 0 comments