DAAWO KENYA OO SOO BANDHIGTAY GAWAARI CASRI AH OO AY SOO IIBSATAY (DAAWO SAWIRADA

DAAWO KENYA OO SOO BANDHIGTAY GAWAARI CASRI AH OO AY SOO IIBSATAY (DAAWO SAWIRADA

Dowladda Kenya, ayaa waxay maanta soo bandhigtay gaadiid casri ah oo loogu talla-galay Ciidamada Qalabka Sida. Waxaana gaadiidkan loo adeegsadaa in lagu daabulo askarta iyo in lagu dagaal galo.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigay gaadiidkaasi, ayaa waxaa la arkaayay isagoo fuulaaya mid ka mid ah gaadiidkaasi, isla-markaana saaran halka uu fuulo askariga gaandhariga ah.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlaayay gaadiidkaasi, ayaa wuxuu ku sheegay kuwo loogu talla-galay in lagu suggo ammaanka, isagoona qaba inay kor u qaadi doonaan xoojinta amniga.

Madaxweynaha waxaa uu tilmaamay in gaadiidkan ay adeegsan doonaan Ciidanka Booliska Kenya oo qura, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaaya in loogu talla-galay Ciidanka Militariga Kenya ee ka hawlgala Somaliya.

Inkastoo aanay Kenya si rasmi ihi u cadayn dalka ay gaadiidkan ka soo iibsatay, ayaa waxaa hadana la dhihi karaa tani waxay ku soo beegmaysaa, xilli Kenya askar fara-badan looga laayay weerarkii 15-kii bishii January ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo   

HALKAAN KA DAAWO


thumbnail Title: DAAWO KENYA OO SOO BANDHIGTAY GAWAARI CASRI AH OO AY SOO IIBSATAY (DAAWO SAWIRADA
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-02T17:38:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAAWO KENYA OO SOO BANDHIGTAY GAWAARI CASRI AH OO AY SOO IIBSATAY (DAAWO SAWIRADA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 02, 2016 and have 0 comments