Daawo Sawir Qosol badan: Siyaasad khaldan shacab walaalo ah ayuu kala fogeeyaa

Sawirkaani waxa uu daliil u yahay go’ doonka Boqolaalka muwaadiniin ee ku jira garoonka Egal intranational Airport ee magaalada Hargeysa.

Garoonka Egal ayaa waxaa ku xayiran muwaadiniin badan kuwaasi oo qaarkood kusoo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay saameyn ku yeelatay amarkii kasoo baxay Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Gen. Gaafow.

Maamulka Somaliland ayaa ku taagan dhaqaalaha kasoo xarooda Garoonka iyo Dekada Berbera, waxa ayna tani muujineysaa in saameyn ay ku yeelaneyso hakinta duulimaadyada kaga imaan jiray Muqdisho.

Dhibtu waxa ay tahay kaliya mid saameyneysa dadyowga walaalaha ah kuwaasi oo laga shaqeynaayo kala geyntooda.