Dowlada Somalia oo xarun laga bixiyo Baasaboorka Somalia ka furtay dalka Mareykanka

Dowlada Somalia oo xarun laga bixiyo Baasaboorka Somalia ka furtay dalka Mareykanka

Dowladda Somaliya, ayaa waxay shaaca ka qaaday in markii ugu horeysay ay dalka Mareykanka ka furtay xafiis laga qaadan karo basaboorka Somaliga.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya, ayaa xaqiijiyay in xafiiskan ay ka furteen dalkaasi, kaasoo fududayn doono buu yiri in muwaadiniinta Somaliyeed ay hellaan basaboorka Somaliga.

Taliyaha, ayaa cadeeyay in laga billaabo toddobaadkan uu xafiiskaasi si buuxdo u gudan doono hawlahiisa shaqo, si uu u baahi tiro muwaadiniinta Somaliyeed.

Isagoo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in furitaanka xafiiskan uu fursad dahabi ah u yahay shacabka Somaliyeed ee ku nool Mareykanka.

General Gaafow waxaa uu ballanqaaday inay ballaarin doonaan, oo ay dardargelinayaan hawlaha shaqo ee Laanta Socdaalka Somaliya.


thumbnail Title: Dowlada Somalia oo xarun laga bixiyo Baasaboorka Somalia ka furtay dalka Mareykanka
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-03T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowlada Somalia oo xarun laga bixiyo Baasaboorka Somalia ka furtay dalka Mareykanka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 03, 2016 and have 0 comments