DOWLADDA MASAR OO GAADIID CIIDAN UGU YABOOHDAY DOWLADDA SOMALIYA (SAWIRRO)

DOWLADDA MASAR OO GAADIID CIIDAN UGU YABOOHDAY DOWLADDA SOMALIYA (SAWIRRO)

Dowladda Masar, ayaa maanta gaadiid iyo qalab xafiiseedba ugu yaboohday Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, waxaana tani lagu sheegay mid qayb ka ah taageerada ay Masar siinayso Somaliya.

Safiirka Masar u fadhiya dalka Somaliya, Wali Ibraahim, ayaa maanta deeqdaasi ku wareejiyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, Cabdalla Xuseen Cali.

Walid Ibrahim, ayaa sheegay deeqdani inay qayb ka tahay taageerada ay Xukuumadda Qaahira siinayso Xukuumadda Muqdisho, diyaarna ay u tahay inay sii wado taageeradeeda ku aadan Somaliya.

Cabdalla Xuseen, ayaa Dowladda Masar kaga mahadceliyay taageerada ay maanta siisay Wasaaradda Gaashaandhiga, ayna taageeradaan wax ka tari doonto buu yiri dib u dhiska iyo tayaynta Wasaaradda.

General C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya oo dhawaan booqasho ku tagey Magaalada Qaahira, ayaa Dowladda Masar ugu baaqay inay gacan ka gaysato horumarinta Wasaaradiisa.








thumbnail Title: DOWLADDA MASAR OO GAADIID CIIDAN UGU YABOOHDAY DOWLADDA SOMALIYA (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-06T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DOWLADDA MASAR OO GAADIID CIIDAN UGU YABOOHDAY DOWLADDA SOMALIYA (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 06, 2016 and have 0 comments