DOWLADDA SOMALIYA OO WARBAAHINTA UGU BAAQDAY INAYSAN KA HORUDHACIN BAARITAANADA QARAXII DAALLO AIRLINES

Dowladda Somaliya, ayaa waxay Warbaahinta weydiisatay inaanan laga horudhacin baaritaanada socda, ee lagu doonaayo in lagu kala cadeeyo wixii sababay qaraxii laga dhex maqlay diyaaradda Daallo Airlines.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya, ayaa Saxaafadda weydiistay inay sugto illaa iyo inta laga soo afjaraayo baaritaanada ay wadaan.

“Waxaanu jecelnahay Warbaahinta inaanay mala awaal badan samayn, suggaan inta warbixintaas dhameystiran ay soo baxeyso.” Ayuu yiri Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Somaliya.

Wasiirka, ayaa yiri “Waxaanu codsaneynaa inaanan meelo badan lala aadin tuhumada, oo la suggo inta tuhunkaa la xaqiijinaayo wuxuu yahay.” 

Waxaa kaloo uu yiri “Waxaanu ballanqaadeynaa tuhunkaas markaanu xaqiijino wuxuu yahay in aanu la wadaagi doono Warbaahinta.”

Qaraxan, ayaa waxaa Talaadadii ku dhintay mid ka mid ah rakaabkii la socday diyaaradda, halka laba kalana ay ku dhaawacantay, sida uu xaqiijiyay Wasiir Jangeli 

HALKAAN KA DAAWO