Dugsi u gaar ah haweenka calaf doonka ah oo Hargeysa laga furay:Video

Goob waxbarasho oo ku cusub saaxada waxbarasho ee Soomaaliya ayaa laga furay magaalada Hargeysa, taasoo u gooni ah haweenka calafdoonka ah ee aan guursan, waxana lagu barayaa arrimaha qoyska, sida aasaaska qosyska, adkeyntiisa iyo sidii uu usii waari lahaa.

Fikrada goobtaan waxbarasho oo ay iska laheyd Naada Yuusuf Cumar, iyadoo sheegtay in fikaradan ay ku dhaladay markii ay aragtay dhibaatada ka dhex taagan qoysaska iyo is qabqabsiga, waxayna tilmaamtay in dugsigaan uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinkaasi ee muranka qoyska iyo burburka nolosha lamaanaha.

Dugsigaan oo dhisan mudo sanad ah, ayaa waxaa lagu qaataa sida looga hortegi karo burburka qoyska, sida gabadha u soo xulan karto lamaanaha ay dooraneyso, iyo fahamka nolosha wada jirka.

Dugsigaan ayaa waxaa dhigta gabadho calafdoon ah, kuwaasi oo sii baranaya qaabka ay nolosha ula qeybsanayaan lamaanaha.

Waa Dugsigii ugu horeeyay ee laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kaasoo ilaa hadda ay ka qalan jabiyeen dufcadii ugu horeysay oo qaarkood guri dhisteen.

GUJI HALKAAN KA FIIRSO