Gianni Infantino oo loo doortey Madaxweynaha FIFA

Gianni Infantino oo loo doortey Madaxweynaha FIFA

Xoghayihii xiriirka kubadda cagta ee Yurub UEFA Gianni Infantino ayaa ku guuleystey doorashadii Madaxweynaha FIFA ee ka dhacdey magaalada Zurich maanta oo jicme ah.

Gianni Infantino waxaa xilka kula tartamey Sheikh Salman bin Ebrahim al-Khalifa, Amiir Ali bin al-Hussein oo u dahsey dalka Urdun iyo kuxigeenki hore ee FIFA Jérôme Champagne.


Tartanka Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta ee FIFA ayaa gaarey laba wareeg, kadib markii Musharixiintu waayeen laba meelood marka codadka loo qaybiyo saddex taas oo ah 138 cod.

Infantino ayaa wareegii hore ku hoggaamiyey 88 cod oo ka mid ah 207 cod ee la dhiibtey, halka Shiikh Salmaan heley codad gaaraya 85 cod Amiir Cali ayaa urursadey 27 cod oo kaliya.

Wareegii labaad ee codbixinta ayaa Infantino helay 115 cod halka Shiikh Salmaan uu helay 88 cod, taas oo u xaqiijisey in uu noqdo Madaxweynaha FIFA.


Gianni Infantino ayaa ah 45 jir, bartey cilmiga sharciga, waxaana uu u dhashey dalka Switzerland, oo uu ka soo jeedey Sepp Blatter.

Gianni Infantino waxaa sugaya shaqo aad oo aad u culus kadib markii FIFA ay ku habsatey fadeexado waaweyn oo la xiriira musuq-maasuq, taas oo kaliftey in qaar badan oo kamid ah madaxda FIFA xabsiyada ku jiraan oo baritaano ku socdaan, Sepp Blatter-na ay ku xanbaartey in uu is-casilo maalmo kadib doorashadiisi.



thumbnail Title: Gianni Infantino oo loo doortey Madaxweynaha FIFA
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-27T00:58:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gianni Infantino oo loo doortey Madaxweynaha FIFA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 27, 2016 and have 0 comments