Go’aanka Sweden ku gaartay inay celiso ku dhowaad 80,000 oo Qaxooti ah walaac laga muujiyay.

Go’aanka Sweden ku gaartay inay celiso ku dhowaad 80,000 oo Qaxooti ah walaac laga muujiyay.

Ku dhowaad 80,000 oo ka mid ah qaxootiga magangalyo doonka ah ee dalka Sweden soo galay, ayaa la sheegay in la masaafurin doono.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay suuragal tahay in dalkaasi laga masaafuriyo ku dhowaad 80,000 oo ka mid ah qaxootiga magangalyo doonka ah ee dalkaas soo galay.

Anders Ygeman ayaa sheegay in sababta dadka loo celinayo ay tahay ayada oo la diiday codsiyadii magan-galyo doon ee ay u gudbiyeen dalkaas.

Go’aankan ayaa qeexaya in muhaajiriinta la siin doono fursad ay si iskood ah dalka uga baxaan, ama haddii kale qasab lagu masaafurin doono.

In badan oo ka mid ah qaxootiga oo Soomaali ah ayaa walaac ka muujiyay warka kasoo yeeray Sweden, waxaana ay codsadeen in go’aankaasi laga laabto.



Weriyaha VOA ee London
thumbnail Title: Go’aanka Sweden ku gaartay inay celiso ku dhowaad 80,000 oo Qaxooti ah walaac laga muujiyay.
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-03T20:26:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Go’aanka Sweden ku gaartay inay celiso ku dhowaad 80,000 oo Qaxooti ah walaac laga muujiyay.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 03, 2016 and have 0 comments